Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Magaalada Beledweyne oo ay maanta la Wareegeen Xoogagga Maxkamadaha
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 28 2008
Magaalada Beledweyne oo ay maanta la Wareegeen Xoogagga Maxkamadaha
Written by Ali Moallim   
Saturday, 28 June 2008

muuqaalka BeledweyneBeledweyne,(insidesomalia.org)- Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay ahayd mid ka duwan wajigii hore ay laheyd, kadib markii maanta galinkii hore ay la wareegeen xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo mudo sanad ka badan maanta markii ugu horeysay lagu dhax arkay iyaga oo lugeynaya gudaha Magaalada.

Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo maanta soo galay Magaalada ayaa waxaa meel fagaaro ah kala hadleen dad isugu soo baxay Xarunta Maamulka oo ka hor inta aysan soo galin Maxkamaduhu dadweyne careysay bililiqeysteen dhamaan wixii agab ahaa ee dhax yiilay.

Shekh Xuseen Gaagaale oo ahaa taliyaha xoogagga maanta la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in ay is hortaagan yihiin shacabkii Magaalada oo sida uu hadalka u dhigay in mudo ah gumeysigu dulmiga ku heystay laakiin dhinaca kale waxaa uu canaan u soo jeediyay dhalinyarada " horteyda hadda waxaa taagan Kumanaan dhalinyaro ah, maxaa loogu fiirsanayaa haddii aad tihiin dad islaanimadu ay ka dhab tahay maatida jilicsan sida Haweenka iyo caruurta in Cadawgu iska dhax fadhiyo, taas waxaa u arkaa daciifnimo dhalinyarada ku jirta” ayuu yiri Shiikh Xuseen Gaagaale.

Markii ay soo dhamaadeen qudbadihii ay dadka u jeedinayeen Mas'uuliyiinta Maxkamadaha soo galay Magaalada, ayaa kadib waxaa bilowday socod Ciidamada iyo dadweyne wada jira ay ku soo mareen dhamaan xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay iyaga oo ku dhawaaqayay oo kaliya Takbiirta Alle (Allaahu Akbar).

Sida u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Ciidamada iyo xitaa dad goob joogayaal ah waxaa ay Xoogagga Maxkamaduhu qabteen nin dhalinyaro ah oo watey Taleefoonka Ganacnta isaga oo adeegsanaya Luuqada Xabashiga, waxaana laga helay sida la sheegay aqoonsi muujinaya Jinsiyada Itoobiya walow uu ahaa qof Soomaali ah, lamana garanayo halka ay Ciidamada Maxkamaduhu la tageen ninkaasi laqabtey.

Inkastoo Maxkamaduhu hadda ay gacanta ku hayaan Magaalada Beledweyne hadana waxaa ay dad badani is weydiinayaan ilaa iyo inta ay sii joogayaan Maadaama looga bartay
in maalmo kooban ama xitaa saacado kadib isaga baxaan goobaha ay qabsadaan Ciidamada Maxaakiimta.

Dhinaca kale waxaan cadeyn halka ay ku danbeeyaan Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan marka laga reebo warar iyagu sheegaya in ay horay u sii raaceen Ciidamadii Itoobiya ee xalay isaga baxay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen weeraro iyo dilal ujeedo badan ah oo aan la ogeyn micnaha ka danbeeya ayaa haddii ay sii joogaan Ciidamada Maxkamadaha waxaa indhaha lagu wada hayaa waxa ay ka badali doonaan amni darradii ka jirtay Magaalada Beledweyne.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >